Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday Baaritaanka Weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Muqdisho

Sii haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan Baaritaanka Weerarkii Shalay ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga oo ka kooban lix xubnood, waxaa la faray in ay baaritaan buuxa ku sameeyaan Weerarkii Shalay ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, islamarkaana ay Natiijo dhammaystiran ka keenaan sida ugu dhakhsaha badan.

Guddiga, waxaa Guddoomiye u ah Ku simaha Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji, waxaana weliya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidanak Asluubta S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aaden,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada, S/Guuto Cabdullaahi Buulle Kameey iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D) G/sare Guuleed Shiikh Xuseen Aaden.

Hoos ka akhriso Xilka iyo Waajibaadka Guddiga

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

PUNTLAND POST