Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in Taliska NISA xabsiga hub ugu geeyay maxaabiis Al-shabaab ah si loo fakiyo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in tallaabo adag laga qaado Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA.

Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Taliska Hay’adda NISA ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen abaabulka Weerarkii Shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib markii sida uu sheegay ay gudaha Xabsiga hub ugu geeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, si ay u fakiyaan.

Sidoo kale, Wuxuu Taliska NISA ku tilmaamay mid fasahaadsan oo ku milmay Ururka Al-shabaab, islamarkaana u baahan in tallaabo laga qaado, si Khatartooda meesha looga saaro, maadaama xiriir hoose kala dhexeeyo Al-shabaab.

Mudane Cabdishakuur, ayaa dhinaca kale Villa Somalia ku eedeeyay in ay Dalka gelisay Xaalad adag oo Amni-darro iyo degganaansho la’aan ah, si ay mudda kororsi u samaystaan Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST