Puntland: Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada iyo Booliska Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntlad iyo Qaybta Booliska gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Nugaal, u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada madaxtooyada Puntlad, halka G/sare Maxamed Aadan Jaamac uu u magacaabay Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska gobolka Nugaal.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista.

Gaalkacyo : 10 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

*Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

PUNTLAND POST