Maxaa ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar?

Maxaabiis ku xirnayd xabsiga dhexe ee Xamar oo helay hub ayaa ku dagaalamay gudaha xabsiga.

Raraas iyo bambooyin saacado laga maqlayay gudaha xabsida ayaa goordhawd istaagay, kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran ay ka qeybqaateen howgal halkaas ka dhacay, waxaana warar laga helay xabsiga sheegayaan inuu jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maxaabiis iyo askar.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay toogtaan afar xubnood oo kamid ahaa kuwa weerarka bilaabay, isla markaana xaalada xabsiga ay haatan tahay mid degan, wuxuuna intaas ku daray inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rayid iyo askar, inkasta oo uusan faahfaahin.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in mid kamid ah maxaabiista hubka helay uu baxsaday, kaas oo bannaanka ku sii dilay qof shacab ah, sidoo kale weerarkaas ay ku dhinteen dhowr kamid ah ilaalaldii xabsiga.

Maxaabiista hubka helay ee ku dhexdagaalamay xabsiga Xamar ayaa la sheegay inay ahaayeen Al-shabaab ku xukunnaa xabsiyo dhaadheer.

Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran boqolaal shaabaab ah, waxaana dhawaan soo baxayay warar sheegaya in qaarkood gudaha xabsiga ku dhex-haystaan teleefoono.

PUNTLAND POST