Gabadh kaalinta kowaad ka gashay imtixaankii dugsiyada sare Puntland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada imtixaankii dugsiyada sare Puntland ee sanad dugsiyeedka 2019-2020.

Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay u fariisatay 4,942 arday oo isugu jiray 3,020 wiil iyo 1,922 gabdhood, waxaana baasay 4,832 arday, halka ay dhaceen ama aysan gudbin 59 arday.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo faahfaafiyay natiijada imtixaanka

Natiijada waxaa kaalinta kowaad ka gashay gabadh lagu magacaabo Maryan Cabdikariim Axmed oo haysata derajada A, celcelis ahaan 98.68, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo kaalinta kowaad ka gasha imtixaanada dugsiga sare ee Puntland.

10-ka arday ee ugu sarreeya

Sidoo kale iskuulka ugu tayada wanaagsan Puntland 2020 ayaa Wasaaradda u aqoonsatay iskuulka Goldogob oo ku yaalla degmada Goldogob ee gobolka Mudug, liiska iskuulada ugu tayayada wanaagsan Puntland waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka soo dhexmuuqan waayay iskuuladda Gambool iyo Cumar Samatar oo kamid ahaan jiray iskuulada ugu wanaagsan Puntland.

10-ka iskuul ee ugu wanaagsan Puntland

Shaacinta natiijada imtixaankii dugsiyada sare Puntland ayaa ku soo aadaysa, iyadoo sanadkii labaad uu khilaaf ka taagan yahay helitaan shahaadada federaal ee ardayda Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa siyaasadaysay xuquuqda waxbarashada ardayda Puntland, iyadoo cuskanaysa awooddeeda ay ugu diidi karto in ay shahaadadooda ugu tartamaan deeq waxbarasho ama ku biiraan jaamacado ku yaalla dalal kale.

PUNTLAND POST