Taliyihii Madaxtooyada Puntland oo la dilay iyo dagaalka ka socda Gaalkacyo

Taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed oo loo garan-ogaa Cismaan Itoobiyaan ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliayha ayaa ku dhintay dagaal ilaa saaka ka socda magaalada Gaalkacyo oo dhexmaraya ciidamada amaanka iyo maleeshiyo haysatay xerada KABISTA oo kamid ahayd xarumihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse dowladdii Cabdiwali Gaas ka gaday ganacsade.

Dowladda ayaa sheegtay in ay Gaalkacyo kula dagaalameyso rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga, basle warar madax bannaan oo ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in dagaalku u dhexeeyo maleeshiyo beeleed ka careysan gadida xerida Kabista iyo ciidamada Puntland.

Ilaa iyo saaka, waxaa magaalada Gaalkacyo laga maqlayaa dhawaqa rasaasta, waxaa jira khasaaro labada dhinac gaaray, inkastoo aan tirakoob rasmiya la hayn.

Waa dagaalkii labaad oo todobaadyo gudahood magaalada Gaalkacyo ku dhexmara ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan oo dowladdu ku sheegto ‘cabtooy’, bishii hore ayaa sidan oo kale dagaal uga dhacay gudaha Gaalkacyo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka maanta ee ku dhintay taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aaday, iyadoo Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo inta badan xukuumaddiisa ay ku sugan yihiin Gaalkacyo.

PUNTLAND POST