Gaalkacyo: Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay kooxo hubaysan iyo gaadiid Khamriya

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, oo gelinkii dambe ee xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay  Magaalada Gaalkacyo, ayaa gacanta ku soo dhigay koox hubaysan oo Khamriga ku iibin jiray gudaha Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Hawlgalkaasi lagu qabtay koox ka kooban 8 xubnood oo hubaysan, kuwaas oo Khamriga ku iibin jiray halka lagu magacaabo Xeradii KABISTA oo ku taalla bartamaha Gaalkacyo.

Ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen baaruur Khamriya iyo lix qori oo AK47 ah, kuwaas oo ay wateen kooxda la qabtay oo dhammaantood xabsiga loo dhaadhiciyay, marka laga reebo midkood dhaawacmay oo isbitaal la geeyay.

Gaalkacyo, waxa ka socda Hawlgallo xooggan oo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, islamarkaana lagula dagaallamayo Argagixisada iyo kooxaha ka Ganacsatada Khamriga.

PUNTLAND POST