
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku-xigeenka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Waare ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaadda Beledweyne islamarkaana Dowladda Talyaanigu ay ogolaatay in ay Hirshabeelle ka fuliso Mashruuca ka hortaga Fatahaadaha oo ay ku baxayso lix Milyan oo Dollar ($6,000,000).
Safiirka ku-xigeeknka Talyaaniga ayaa sida Qoraalka lagu xusay wuxuu Madaxweyne waare u sheegay in lacagtaas Dowladda Talyaanigu ay ogolaatay ay ku doonayaan in wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday waxaana madaxweyne Waare uu kaga Mahadceliyay Caawinaada Talyaaniga.
Mashruucaasi ku kacaya lixda Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.