UN-ka oo walaac ka muujiyay isku day uu sameeyay Guddoomiye Mursal

Qaramada Midoobay yaa ka hadashay hindise sharciyeedkii dambiyada la xiriira galmada ee ay maanta akhrintiisa diideen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ee James Swan, Xoghaya gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa walaac ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku daygii uu miiska ku soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada ee Soomaaliya in ay dib-u-soo-celiyaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujinaya walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la horkeenay sharcigan ayaa diiday inay akhrinta mariyaan, iyagoo xusay inuu yahay sharci ka hor imanaya diinta iyo dhaqanka Suuban.

PUNTLAND POST