Sii hayaha wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaallka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa kulan Khadka Muuqalka kula qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank, kuwaas oo ay ka wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ,ayaa sheegay in shirka ay soo qaban qaabiyeen hay’addha IMF iyo World Banka sidoo kale ay ka qeyb-galeen wasiiradda Maaliyadda ee Qaaradda, islamarkaana xoogga lagu saaray sidii qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa covid-19.
“ Waxa aan ka qeyb galay shir ay wadajir u soo qaban qaabiyeen IMF iyo World Bank, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika.oo aan ka wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn saameynta uu qaaradda ku yeeshay xanuunka Covid-19.” Ayuu yiri sii hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, sii hayaha wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa waxa aan uga mahadcelinayay labada hey’adood sida ay had iyo jeer noo garab taagan yihiin dowladda Federaalka.
PUNTLAND POST