Waxaa Maanta oo Khamiis ah soo geba-gaboobay Shirka Wadatashiga iyo Iscafinta Beesha Muddulloodka, oo mudda afar maalmood ah ka socday Mawlaca Macallin Nuur ee Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka qayb-galay ergo gaaraysa 5 kun oo qof, kuwaas oo ay kamid yihiin Duubabka Dhaqanka, Siyaasiyiin, Culimaa’uddiin, Ganacsato, Aqoonyahanno, Dhalinyaro, Haween iyo Marti Sharaf kale.
Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee Shirkaas ka qayb-galay, waxa kamid ah Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.
War-murtiyeedk ka soo baxay geba-gabadii Shirkaas, waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha Amniga, Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada, kuwaas oo u badnaa iyo dalabaad ku socday Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Sida ku cad Nuxurka War-murtiyeedka, Beeshu waxay ku baaqday in Kooxaha Argagixida laga xoreeyo Degaannada ay kaga sugan yihiin Dalka iyo in Doorashada Madaxtinimada Wakhtigeeda lagu qabto, waxaana ay ka digtay in Madaxda Dowladda Federaalka ay mudda kororsi sameeyaan.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhan





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.