MAXAY KA DHIGAN TAHAY WARQADDA FURAN EE FAROOLE & JURIILE?

Garoowe (Faallooyinka PP) —  Senator Cabdiraxmaan  Sheekh Maxamuud ( Faroole) iyo Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juriile) ayaa Warqad Furan ku soo saaray mareegta Wardheernews. Labada siyaasi waxay beesha caalamka iyo saamileyda siyaasadda, marka laga reebo Madasha Xisbiyada Qaran, ugu baaqayaan in laga hortago qalalaasaha siyaasadeed ka dhici kara Soomaaliya. Waxay dooddooda ku saleeyeen in kalsooni kala noqoshadii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ahayd mid sharci-darro ah. Waxay ku taliyeen in laga gudbo habka 4.5  hase ahaatee may sheegin sida looga gudbi karo.

Labada siyaasi waxay si kooban u xuseen kaalintii Puntland ka soo qaadatay dib u yagleelidda hay’adaha siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Senator Faroole (bidix) iyo Senator Juriile waxay u qareemayaan kaalinta Maamul Federaaleedyada

Faroole iyo Juriile waxay ka soo jeedaan Puntland, oo aan xiriir wanaagsan la lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dhaliilaha aysan Dowladda Federaalku ilaa hadda garowshiiyo ka keenin waxaa ka mid ah sida Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u siyaasadaysay xuquuqda waxbarashada ardayda Puntland iyadoo cuskanaysa awooddeeda ay ugu diidi karto ardayda Puntland in ay shahaadadooda ugu tartamaan deeq waxbarasho ama ku biiraan jaamacado ku yaalla dalal kale.

Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa xumaaday intii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre xilka hayay. Waa maxay sababta Faroole iyo Juriile u difaacayaan Kheyre iyaga oo og cagojuglaynta Dowladda Federaalku ku haysay ardayda Puntland muddo dheer?

Puntland waxay leedahay manhaj ilaa 1994kii dusgiyadu adeegsanayeen. Siyaasadda Waxbarashada ee Puntland way ka da’weyn tahay tan Muqdisho. Haddii uu Madaxweyne Farmaajo dan siyaasadeed u arkay ka aamusidda ku xadgudubka xuquuqda ardayda Puntland, waxay ahayd inuu Ra’iisal Wasaare Kheyre ka hadlo ishortaagga hanka waxbarasho ee carruurta Puntland. Sharciga Faroole iyo Juriile ay dhowrayaan miyuusan qabanin Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ama Ra’iisal Wasaare Kheyre? Waa Dowladda Federaalka Soomaaliya tan ismaandhaafka kala dhexeeya Puntland u adeegsatay fursad ay carruurta Puntland ku hanjabin karto.  

Warqadda Furan ee Faroole iyo Juriile waxay iftiiminaysaa jabin la xiriirta ka maqnaanshaha xubno ka socda Maamul Federaaleedyada Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta iyo Guddiga Korjoogteynta. Waxay ku doodeen in shanta Maamul Federaaleed xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan toban xubnood ( 2 xubnood guddigiiba), sida uu qorayo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah. Waa dood sharciyeed oo aan hore loo soo gudbinin.

Hadda ka hor Faroole wuxuu soo jeediyay eed ah in Dastuurka Federaalka wax laga beddelay wadatashi la’aan 2013kii. Goorma ayay Faroole iyo Juriile ku baraarugeen jabinta dastuurka si kaalinta Maamul Federaaleedyada loo wiiqo?  Waxay ka digeen in sharciyada qabyoqoraalka oo ay guddiyadaasi diyaariyaan loo gudbiyo Barlamaanka Soomaaliya. Waa sababta ay u fiicnaan lahayd in ujeeddada Warqadda Furani ku koobnaanto soo shaacbixinta waxa ay Faroole iyo Juriile u arkaan jabinta Dastuurka Federaalka.

© Puntland Post, 2020