Marxuum Xaaji Maxamed X. Jaamac wuxuu ka mid ahaa xubnihii hoggaaminayay halgankii gobolka Soomaaliyeed Kenya

Allaha u naxariistee Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac (Qareey) ayaa xalay 1:00 habeenimo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Marxuumka wuxuu ku jiray sano 87-aad, wuxuuna ku dhashay magaallada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose 1933-kii.

Xaaji Maxamed wuxuu ka mid ahaa raggii hoggaaminayay halgankii ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Woqooyi-Bari ee Kenya ay ku baadi goobayeen sidii gobolka loo raacin lahaa ama uu uga mid noqon lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac, oo yaraan ku soo galay Mandheere, ayaa waxuu ka mid ahaa dhallin-yarradii ku barbaartay waxna ku baratay gobolka Wajir ee Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Kenya, wuxuuna ilaa yaraantiisii qabay fikrad ah sidii ay maalin maalmaha ka mid ah lixda gobol ee Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Kenya uga mid noqon lahaayeen dal-weynaha xorta ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Sanadihii kontomeeyadii iyo lixdameeyadii Xaaji Maxamed wuxuu la hana qaaday halggammadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday qaaradda Afrika, waxayna bilaabeen isaga iyo koox dhallin-yaro ah oo dhammaantood ka soo jeeday 6-da gobol ee Soomaalida inay wadiiqooyin xagga khadadka diplomat-siyadda ah ku raadiyaan sidii ay guumeystihii Ingiriiska uga dhaadhicin lahaayeen in gobollada Soomaaliyeed la raaciyo dalka Soomaaliya, hasa yeeshee arrintaas mar kasta waxay ku soo dhammaanaysay natiijo la’aan.

Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac iyo dhallin-yaradii uu ka midka ahaa  waxay sanadkii 1960kii markay Soomaaliya gobonimmada qaadatay ku dhawaaqeen dhismaha xisbi la yiraahdo Northern Province People Progressive Party (NPPPP) kaasoo ahaa xisbi  siyaasadeed oo ku talo galkiisa ahaa inuu horseedo siyaasad iyo halgan ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool 6-da gobol ee Soomaaliyeed; Gaarissa, Wajir, Isiolo, Mandheera, Marsebet, iyo Mooyaale ay uga mid noqon lahaayeen Jamhuuriyadda curatay ee Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuumka oo isagu ahaa guddoomiyaha xisbiga ee Mandheera isla markaasna ahaa xiriiriyaha isku xira dhammaan dhaqdhaqaaqyada xisbiga ee lixda gobol wuxuu ku guuleystay inuu dadka ku soo xiro xisbiga NPPPP  oo waliba ay taageeraan siyaasadda xisbbiga ee  ku aaddan inay ka mid noqdaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. DHaqdhaqaaqii iyo halgankii xisbiga NPPPP waxy dacwadooda gaartay Qarammada Midoobay.  Markay taariikhdu ahayd 1962kii, waa labo sano ka dib aasaaskii xisbiga NPPPP waxay Qarammada Midoobay oggolaatay dalab ugu yimid xisbiga oo ahaa in afti  (Referendum) laga qaado dadka Soomaaliyeed eek u nool lixdaas gobol si loo dooransiiyo dalka ay rabaan inay ku biirayaan waxayna natiijadii noqotay in 87.5%  ay u codeeyeen inay ka mid noqdaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee waxaa arrintaas iyo rabitaankii shacabka is hor taagay guumeysigii Ingiriiska oo si adag uga hor yimid.

December 11, 1963kii, waa maalin keliya ka hor maalinta ay Kenya qaadatay gobonimmada, waxaa la xiray Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac iyo dhammaan qof kasta oo hana-qaad ahaa oo walaalihiis iyo qaraabadiisa ka mid ahaa, iyadoo lagu eedaynayo inay horseed  ka  yihiin kacdoon siyaasadeed oo aan sharci ahayn.  Marxuumka ayaa wuxuu xirnaa muddo lix sano ah, waxaana la soo daayay October 15, 1969. Soo daynta marxuumka ayaa waxay ka dambaysay heshiis ay dhexdhexaadinaysay dowladda Tanzania oo magaallada Arusha ka dhacay October 30, 1967, kaasoo dhinaca Soomaaliya uu uga qayb galay una saxiixay ra’iisal wasaarihii xilligaas marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaana qodobbada lagu heshiiyay ka mid ahaa in dowladda Kenya sii dayso dhammaan Soomaalida ku xiran xabsiyadeed ee loo haysto halganka la xirira gobolka Soomaaliyeed ee Kenya  haysato. Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac ayaa markuu xabsiga ka soo baxay dib ugu soo laabtay Mandheera, halkaas oo uu ka bilaabay ganacsi aad u ballaaran oo isku xira Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Marxuum Maxamed Xaaji Jaamac, Alle ha u naxariistee, wuxuu kaalin aad muhiim u ah ka soo qaatay halgankii ay jabhaddii SSDF ee bilowday 1978kii ee dadka Soomaaliyeed kula dagaalayeen maamulkii keligii taliska ahaa ee ciidammada hoggaanka ka ahaayeen. Xaaji Maxamed Xaji Jaamac ayaa kamid ahaa maalgaliyaashii ugu waaweynaa ee jabhadaas.

Markii dalki burburay sanadii 1991kii, Marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololeeyay sidii loo soo dhoweyn lahaa dadka soo qaxay oo meel loo dejin lahaa, wuxuuna dadaal dheer u galay sidii heshiisa nabadeed loo dhex dhallin lahaa dadka Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in marar badan uu gurigiisa Nairobi ku marti qaaday oo isugu keenay dad badan oo uu rumaysnaa inay gacan ka geysan karaan dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiyiin, odayaal dhaqan, culumaa’u diin, iyo ganacsato, illaa iyo maanta oo uu geeriyoodayna marxuumka wuxuu dadaal ugu jiray nabadaynta iyo siday dadka Soomaaliyeed dib ugu hanan lahaayeen qaranimmadoodii

Alle naxariistiisii janno ha siiyo Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac (Qareey). 

PUNTLAND POST