Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin la xiriirta Fatahaado iyo dabaylo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay  digniin la xariirta cabsi laga qabo fatahaado ay sameeyaan labad webi ee Jubba iyo Shabeelle.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa digniin loogu diray dhammaan dadweynaha ku nool hareeraha labada webi ee Jubba iyo Shabeelle waxaana wasaaraddu ka digtay Roobab dabaylo wata oo laga cabsi qabo in ay fatahaad ka sameeeyaan labada webi.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxey digniin la xariirta cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo u direysaa dhammaan bulshooyinka ku nool hareeraha labada webig Jubba iyo Shabeelle” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasaaradda waxay ugu baaqday maamullada degaanadda ku xeeran laba webi iyo hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya in ay u diyaar garoobaan xaaladda ka dhalan karta Roobabkaas.

Halkaan ka akhriso Qoraalka wasaaradda

PUNTLAND POST