Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Khadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Diab.
Mahdi Guuleed, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Lubnan uga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii aad u xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beyruut ee Caasimadda dalkaas, waxaana kuwa ku dhaawacmay uu u rajeeyay Caafimaad Deg deg ah.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay Lubnan la qeyb sanayaan dhibaatada kasoo gaatay qaraxyadii musiibada ahaa ee dhacay.
Magaalada Beyruut, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaraxyo waaweyn oo Caasimadda dalkaas ruxay, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad fara badan.
Sidoo kale, waxaa gabi ahaan burburay dhismayaal aad u badan oo ku yaallay goobta ay qaraxyada ka dhaceen, sida lagu arkayay muuqaal laga soo duubay halkaas, isla markaana lagu faafiyay baraha Bulshada.
PUNTLAND POST