Qoor Qoor oo ka digay in la fashiliyo Shirka Dhuusamareeb una dhoofay Dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo todobaadyadii u dambeeyay Socdaal ku joogay Magaalada Muqdisho, ayaa Maanta oo Arbaco ah Safar kooban ugu baxay Waddanka Turkiga.

Madaxweyne Qoor Qoor, oo ka hor inta uusan dhoofin Warbaahinta la hadlay, ayaa ka warbixiyay Socdaalkii uu Maalmahan ku joogay Muqdisho iyo sidoo kale Qaban-qaabada Shirka la filayo in uu Dhuusamareeb uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in uu Magaalada Muqdisho u tegay ,sidii uu Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka ugala hadli lahaa, Qabsoomidda Wejiga Saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, taasina ay si buuxda isugu afgarteen.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Shirka Dhuusamareeb uu sida qorshaysan ku dhici doono Wakhtiga loo asteeyay, islamarkaana loo saaray guddi qaban-qaabo oo ka shaqeeya qabsoomiddiisa, balse wuxuu ka digay tallaabo kasta oo fashilin karta Shirkaasi.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST