
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Labada mas’uul waxay Kulankooda uga wada-hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha la xiriira Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee soo socota.
Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay ka wada-hadleen guud ahaan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Arrimaha Galmudug.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka wada-hadleen sida ugu habboon ee uu ku guulaysan karo Shirka lagu wado in uu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.
Arrimaha ugu muhiimsan ee Shirkaas la filayo in looga hadlo waxaa kamid ah Hannaanka loo geli doono Doorashada soo socota oo dhinacyadu ay u saareen guddi farsamo oo ka soo tala-bixiya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.