Wasiir Dhabancad oo Xoghaye cusub u magacaabay Degmada Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo loo magacaabay Muxiyadiin Xassan Jaamac (Ashkir).

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo in ay fuliyaan Dhaqan-gelinta magacaabidda Xoghaya cusub.

Dhinaca kale Wasiir Dhabancad ayaa baabi’iyay Xilka Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo isagoo sheegay in xilkaasi uusan waafaqsanayn Xeerka Dowladaha Hoose.

PUNTLAND POST