Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Beirut

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qaraxii weynaa ee ka dhacay magaalada Beirut ee dalka Lebanon.

Wasiirka caafimaadka Lebanon Xamaad Xasan ayaa sheegay in ugu yaraan qaraxa Beirut ay ku dhinteen 60 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 3,000.

Qarax naxdin leh ayaa ka dhacay meel u dhow dekada Beirut, iyadoo uu sababay burburka dekeda iyo dhismayaal badan.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa oo la aaminsan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee dunida ka dhaca.

Jugta qaraxa Beirut ayaa laga maqlay 240km (150 mayl) meel u dhow jasiiradda Qubrus ee bariga Mediterranean-ka.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, ka hor xukunka maxkamadeed ee dilkii Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Rafik Hariri oo la dilay sanadkii 2005.

Maxkamad UN ah ayaa lagu wadaa inay jamcaha go’aan ka soo saarto maxkamadeynta afarta qof ee lagu tuhmayo dilkii Hariri.

PUNTLAND POST