Qarax weyn oo gilgilay Beirut

Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut, waxaana uu sababay khasaaro balaaran oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekeda magaalada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay tilmaamayaan in qarax labaad jiro.

Fiidiyow lagu soo daabacay khadka internet-ka ayaa muujiyay qarax mucjiso ah oo dumiyay dhismayaal, mana cadda waxa sababay.

Qaraxa ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, ka hor xukunka maxkamadeed ee dilkii Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Rafik Hariri oo la dilay sanadkii 2005.

Maxkamad UN ah ayaa lagu wadaa inay jamcaha go’aan ka soo saarto maxkamadeynta afarta qof ee lagu tuhmayo dilkii Hariri.

PUNTLAND POST