Muran ka taagan furitaanka masaajido ku yaalla Guriceel

Ciidamo ka tirsan dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa dib u xiray labo masaajid oo maanta laga furay magaalada Guriceel, kuwaas oo horey u xirnaa muddo ka badan 12 sano.

Masaajidan oo maalmahan furitaankooda muranka ka taagnaa ayaa maanta salaadii duhur lagu tukuday, waxaana maamulka masaajidaas sheegeen inay fasax ka haystaan wasaaradaha amniga, owqaafta iyo arrimaha diinta iyo maamulka degmada Guriceel.

Dhowr masaajid iyo dugsiyo ku yaalla degmada Guriceel we gobolka Galgaduud ayaa maamulkii Ahlusunna xiray sanadkii 2008.

Markii gacanta Ahlusunna ay ka baxday Guriceel waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo dib loo furo masaajida iyo xarumaha kale, balse dad taageersan Ahlusunna ayaa ka horyimid tallaabadaas.

Maamulka Galmudug ayaa weli go’aan ka soo saarin arrintan muranka dhalisay.

PUNTLAND POST