Dowladda Turkiga ayaa ka hortimid heshiis dhex maray kooxaha Kurdiyiinta ee waqooyiga bari Suuriya iyo shirkad shidaal oo Mareykanka laga leeyahay, kaas oo uu Turkigu ku tilmaamay mid lagu maal-gelinayo Argagixisada.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Maraykanka, ayaa xaqiijiyay in shirkad shidaal oo Mareykan ah ay saxiixday heshiis ay la gashay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee loo yaqaan Syria Democratic Forces (SDF).
Heshiiska ayaa waxaa wada-galay ciidamada Kurdishka Syria ee SDF iyo shirkadda Delta Crescent Energy ee fadhiggeedu yahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.
Syria ayaa horay u dhalleeceysay heshiiskan oo ay ku tilmaamtay xatooyo iyo meel ka dhac madaxbannaanideeda qaran.
SDF ayaa ah isbaheysi ay hogaaminayeen ciidamada Kurdiyiinta ee taageersan ismaamul ka dhisan waqooyi bari ee Syria, maamushana goobaha saliidda ugu weyn ee wadankaasi.
PUNTLAND POST