Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya

Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan mudda kulmin ayaa maanta oo Talaado ah  yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad.

Kulanka Golaha ee Maanta waxaa ajandihiisu ahaa ansixinta xubin ka mid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka.

Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka heer Federaal.

PUNTLAND POST