Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Xamar Jabab ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay qof ismiidaamiyay, wuxuuna sigaar ah uga dhacay maqaayad lagu magacaabo Luul Yemen oo ku taala meel aad ugu dhaw Kontaroolka laga ilaaliyo Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maqaayada qaraxu ka dhacay

Sawir laga qaaday goobta qaraxu ka dhacay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday mid khasaare ka dhashay, sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo qaraxaas ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Faahfaahin dib kala soco.

PUNTLAND POST