
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta oo Isniin ah dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha waddooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.
Madaxweyne Deni, ayaa bogaadiyey sida Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta waddooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaalada.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay Mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.
Dhagax dhiga Mashruuca oo ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug, Goleyaasha Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Mas’uuliyiinta degmada, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac iyo Madaxda Shirkadaha Kabero iyo Alxayaad oo iyagu fulinaya dhismaha.
Halkaan ka eeg Sawirada Dhagax-dhiga










PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.