Wanlaweyn: Mas’uul qarax lagu dilay

Guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto ayaa caawa lagu dilay degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa u dhintay Bam-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka degan yahay degmada Wanlaweyn, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay qaar kamid ah qoyskiisa oo ka kamid yihiin Aabihiis iyo xaaskiisa.

Ciddii weerarka geystay ayaa la sheegay inay baxsatay, waxaana degmadaas ka socdo howlagalo baaritaan.

Weli ma jiro war ka soo baxay Maamulka Wanlaweyn oo looga hadlay weerarka lagu dilay mas’uulka.

PUNTLAND POST