
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Maamulkaas Saalax Maxamed Xassan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare oo xilka looga qaaday Wasiir Saalax ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xildhibaan Shucayb Cabdikariin Mu’min Wasiirka Cusub ee wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Hirshabeelle.
Xilka qaadista lagu sameeyay Wasiir Saalax Maxamed Xassan ayaa lala xiriirinaya cod dhowaan lagu baahiyay Baraha Bulshada oo uu ku sheegayo in uusan Madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdi Waare.
Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiiru-dowle cusub u magacaabay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle waxaana xilkaasi loo dhiibay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.