Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha Galmudug ku matala Guddiga Farsamada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo tixraacaya War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb, ayaa xalay magacaabay labada xubnood ee Galmudug ku matali doona Guddiga Farsamo ee Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa labadaasi xubnood u magacaabay Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) iyo  Kamaal Daahir Xasan Guutaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday Xafiiskiisa.

Magacaabiddaas ayaa ku soo beegmatay, xilli sida qorshaysan mar kale 15-ka bishan Ogoosto loo ballansanyahay Shirka labaad ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

Maamullada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa magacaabay xubnihii uga mid noqon lahaa Guddiga farsamo ee loo xilsaaray tala-bixinta Hannaanka Doorashada, kuwaas oo ka kooban laba-laba xubnood.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka  ayaa iyana magacowday xubnihii Guddiga ku matali lahaa oo ka kooban 4 xubnood iyo kuwa matalaya Gobolka Banaadir oo ah 2 xubnood ah, waxaana hadda sidaas ku dhammaystiran Guddiga Farsamada oo gaaraya 16 xubnood.

PUNTLAND POST