
Degaannada Puntland waxaa maanta oo Sabtiya laga xusayaa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland oo ku beegan 1-dii Agoosto 1998-dii.
Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qabanayaa xuska munaasabaddaasi 1-da Agoosto waxaana dib loogu milicsan taariikhda as’aaskii Puntland iyo guulaha laga dhaxlay hirgelinteeda.
Sidoo kale waxa Caawa qorshaysan in la qabto munaasabadda ugu ballaaran xuska 1-da Agoosto oo ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu ka qayb-galayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa kale oo jirta in baraha bulshadu ku xiriirto si weyn looga dareemayo xuska sannad-guurada 1-da Agoosto taas oo bulshadu ku muujinayso sawiro qurxoon oo lagu xardhay calanka Puntland.
As’aaskii Puntland oo maanta laga joogo mudda 22-sannadood ah waxa laga dhaxlay hannaan dowladnimo oo hirgeliyay nabad buuxda iyo horumar ka hana-qaaday gobollada ku midaysan Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.