Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabtiya si rasmiya u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.
Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland, oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray.
Wareega kowaad oo soo xirmay 15-kii Maarso 2020 waxaa ka soo gudbay 17 urur-siyaasadeed oo buuxiyay Shuruudaha as’aasiga ah, waxaana sidaasi loogu gudbay wareega labaad ee Diiwaan-gelinta.
Wareega labaad oo soo xirmay 22-kii June 2020, waxa ka soo gudbay 12 urur-siyaasadeed, halka wareegii saddexaad oo dhammaystirmay 22-kii July 2020 ay ka soo baxeen 10 urur siyaasadeed oo keliya.
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa ugu dambayntii Maanta oo ku beegan 1-da Agoosto 2020, waxay si rasmiya u shaaciyeen 10-ka urur-siyaasadeed ee buuxiyay dhammaan shuruudaha.
10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan.
Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya.
Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.