
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda ayaa maanta salaadda Ciidda Carrafo Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.
Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan wasiirada ugu muhiimsan Xukuumaddiisa, ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kulamo kala duwan kula qaadanayeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa ayaa Gaalkacyo kaga qayb-galaya Munaasabadda ugu weyn Xuska Kowda Agoosto Sannadkan lagu qaban doono Magaalada Gaalkacyo.
Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.