GAAS OO DHALIILAY MADAXDHAQAMEEDKA WAQOOYIGA MUDUG

Gaalkacyo (PP) — Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku eedeeyay madaxdhaqameedka Waqooyiga Gaalkacyo inay ka cagajiidayaan iskaashi ay la yeeshaan maamulka Puntland oo uu Siciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyo.

Gaas wuxuu ku dhaliilay madaxdhaqameedka inay ka soo qaybgali waayeen kulan uu qabtay Madaxweyne Deni. “Waa in madaxweynaha lagala shaqeeyo amniga” ayuu Gaas yiri.

Xogtan uu Gaas la wadaagay warbaahinta ayaa muujinaysa in xiriirka Waqooyiga Gaalkacyo kala dhexeeya maamulka Puntland uu aad u hoseeyo ka sokow xaaladda nabadgelyo-darro oo muddaba maamulka Mudug qaybta Puntland uu la kufaakacayay.

Dad badan baa qaba in madaxdhaqameedku ka cabsanayaan in loo arko kuwo maamulka ku dhow, tan oo la xiriirta cabsi laga qabo in Al-shabaab ay beegsato madaxdhaqameedka la shaqeeya maamullada.

Dilalka saraakiisha iyo madaxda maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa cabsi badan ku abuuray rayidka inkastoo dhowaan Galmudug ay iskaashi amni la yeelatay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland oo ciidammadeeda aminigu weli hab beeleed u abaabulan yihiin.

Dowladda Puntland weli may ka hadlin dhaliisha Gaas u soo jeediyay madaxdhaqameedka Waqooyiga Mudug.

© Puntland Post, 2020