Ra’iisal wasaarihii hore wuxuusan galabsan kuma dhicin! – FAALLO

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Labadii xaq darro ku heshiisa, Xaqay ku dagaalaan!

Sida uu isaguba sheegay ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre 1247 casho ayuu ahaa ra’iisal wasaaraha dalka, Xasan markii uu ka hadlayay go’aankii sida sharci darrada ahaa looga qaaday xilka kama aysan muuqan innaba ha yaraatee arrintu inay kedis ku ahayd, waxaa sidoo kale aan dhib weyn ku hayn in si qaynuunka aan waafaqsanayn isaga iyo xukuummaddiisiiba xilkii looga tuuray, wuxuuna si aad moodo inuu calool adayg ka raadinayo ku celceliyay  “Anigoo og… Anigoo og… Anigoo og…Anigoo og inaanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana, waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay!…. Anigoo dhowraya midnimmada ummadda iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato yaan uga turay shacabka Soomaaliyeed…”  Calaacal!… Qaadan-Waa!… Iyo Manno sheegasho aan run ahayn!

Xasan Kheyre nin dhallin-yaro ah ayuu ahaa mana ahayn lagamana filayn nin da’diisa ah inuu naftiisa ka lixo jeclaysanayo dadkiisa iyo dalkiisa!…Dhallin-yarradu caado ahaan naf-jeclaysi dhaqan uma laha, ummad kastana waxa ay u baxsato maalinta ay yaabto waa dhallin-yaradeeda, waxa ay ku faanto oo ay ku seexato waa dhallin-yaradeeda! Laakiin ra’iisal wasaarihii hore dabeecaddiisa aad bay uga duwanayd middii lagu barta dhallin yarada da’diisa ah oo iyaga magaca ka raadiya inaan asaaggood dadkooda iyo dalkooda gumeysan, oo iyaga magac ka raadiya inay dadkooda iyo dalkooda wax kasta u huraan kana hormariyaan wax kasta hadday doontaba naftooda ha ku kacdee, hasa yeeshee Khayre iyo kuwo badan oo golihiisa wasiirrada ah ma lahayn dhaqankaas, waxayna iloobeen inay taariikh qormayso, waxayna garan waayeen in waxa lagu aaminay ay tahay ummad dhan aayaheedii, ummad iyaga ka sugaysa samata bixin oo ku faraxsanaan lahaa inay helaan hoggaamiye oo ku abaal sheegta oo qaranimmadoodii u soo cesha… maxaase ku dhacay?

Wax kasta oo ku dhacay Kheyre doqonimo ayeey u ahayd inuusan filanayn, run ahaantiina waxaa ku dhacay wixii uu mudnaa, waxaan ceeb ku ahayd khudbaddii uu jeediyay iyo siduu isla markiiba u dareemay in keligiis banaanka ka yahay xayndaabka xulufaysiga ka dhex bilowday siyaasaddii uu hoggaankeeda ka midka ahaa. Xasan ma ahayn inuu isku xiijiyo oo uu jeediyo khudbaddii quruxda badnayd isagoo waliba isku tilmaamaya dhammaan sifayaashii uu sida cad u baal maray ee laga rabay inuu ku shaqeeyo ka mas’uul ahaan, sifayaashii laga rabay inuu tusaale ugu noqdo golaha xukuumadda laakiin uu ka weeciyay… Nin kasta gallad aan lagu arki jirin intuu xilka joogay buu dadka ugu mano sheegtaa marka balo ka xoog-weyn oo uu shirko la ahaa ay ka tuurto xilkii uu huwanaa! Kheyre shaqada uu dalka u qabtay ee uu ku faanayo ma waxay noqotay mushaar baan shaqaalaha iyo askarta siiyay!…ma waxay noqotay inuu ku faano xaqa uu qof muwaadhin ah shaqaystay?!… haddii ay sidaas tahay isagaba mushaar buu qaadanayay ee mushaarkiisa inuu qaadanayay muu ku faano?!…

Ninka u xusul duubaya xilka ra’iisal wasaaranimmada dowladda hadda jirta… Bal macnee?

Marka la fiiriyo muddadaas 1247-ka casho ah ee uu Kheyre ra’iisal wazaaraha ahaa isaga iyo madaxweyne Farmaajo waxay ka wada shaqayniyeen sidii ay muddo dheer dalka u xukumi lahaayeen, si taas loo suuro geliyana wixii u horeeyay ee ay ku dhaqaaqeen waxay ahayd sidii ay u burburin lahaayeen dowlad goboleeddada, waxayna xoogga saareen sidii ay nidaamka federaal-ka ah ay ugu bedeli lahaayeen nidaam awooddu ku urursantahay gacanta dowladda dhexe oo waliba awooddiisu u dhowdahay ama ay la mid tahay tii Kacaankii Siyaad Bare. DHammaan marka aad fiirisid socdaalladii uu ra’iisal wasaarihii hore ku tagay maamul goboleddada dalka waxay iyagana salka ku hayeen olole iyo isku day uu ku raadinayo sidii riyadaas dhab looga dhigi lahaa, iyadoo laga bilaabayo in marka hore la bedelo madaxweynaha dowlad-goboleedkaas laguna bedelayo mid ay iyaga keensadeen oo si tartiib-tartiib ah looga xayuubiyo awoodaha siyaasadeed iyo is-maamul ee uu dastuurka federaal-ka siiyay dowlad-goboleeddada.

Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre maalin keliya kama fekerin barnaamijkiisana kuma jirin inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiin guud iyo sidii dadka Soomaaliyeed loo midayn lahaa!… Kheyre uma uusan dhaqmin sidii mas’uul xilka u qabtay dalkiisii oo burbur ka soo kabanaya, oo dadkiisii la kala dilay, oo colaado iyo cadaawad laga dhex abuuray oo wali ay ka dhex shaqaysanayaan dalal shisheeye oo dantooda ay ku jirto inuu dalku waligiis sidaas ahaado ee wuxuu u dhaqmay si aad uga hooseysa hankii loo qabay…Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsanaa golaha wasiirradiisa waligiis ma dhegeysan talo uu soo jeediyay qof iyaga ka mid ah, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa nin isla weyn oo cannaadi ah oo aan lala shaqayn karayn, isla markaasna aan golaha wasiirrada saaxiibo ku lahayn.

Ra’iisal-wasaarihii hore Kheyre ma inuu khayraadka dalka dano shakhsiyadeed aawgood u xaraashayay… Ma inuusan ka hadlin xad-gudubyadii ay Itoobiya ku samaysay dalka xudduud ahaan iyo khariidad ahaanba… Ma inuusan marna ka hadlin xad gudubyada Kenya ee biyaha Soomaaliy iyo xad gudubyada joogtada ah ee ay ka wado xudduudda labada dal… Ma inuu doorashooyinkii maamul-goboleeddadu qabsan lahaayeen af-duubay… Ma inuusan ka hadlin  colaadda gobalka Gedo uu madaxweynaha ka abuuray!… Ma inuusan xaqiiqda ka sheegin  khataraha maalin kasta dalka soo wajahaya ee uga immanaaya dalaka shisheeyaha ah ama sidaas ay saaxiib kula yihiin…  Abaalka uu sheeganayo ma sidaas baa?! Abaal buu sheeganayaa laakiin isaga iyo kooxda uu ka tirsanaaba maxkammad in la hor keeno baa waajibku ahaa!…Xijaaj bin Yuusuf baa sidii looga eed sheeganayay markii wiilkiisa la arkay (wiil ma lahaynee laakiin maahmaahdaa ku baxdayee) baa la yiri “Alloow u naxariis Xijaaj Bin Yuusuf, sow wiilkiisii kan ma aha!…hadda waxayba maraysaa Allow u naxariiso  Xasan Shiikh Maxamuud, Maxamed Cismaan Jawaari iyo  Cumar Cabdirashiid iyo…Yaa?! …oo kuwaana waa jireen miyaa?!

Haddaan Qatar iyo Farmaajo ku wadan doorasho qof iyo cod ah ma geli kartid, waayo ammaankaaga ma sugnaan doono!

Sida laga war qabo dalalka Itoobiya, Maraykanka, Qatar, Turkiga, iyo Norway oo iyagu ah dalalka aadka ugu dhow-dhow xukuummadda maanta haysa talada dalka ayaa rumaysan in doorasho kasta oo la qabto iyadoo ay codeynayaan xildhibaano cusub oo aan ahayn kuwa hadda jooga ay ku waayiyaan madaxweyne Farmaajo, taasina ay meesha ka saarayso heshiisyo qarsoodi ah oo aan wali la dhamaystirin, iyo dano qabyo ah oo ay leeyihiin shirkado xagga shidaalka ah oo dalalka reer galbeedka ah ay leeyihiin oo iyaga sida la xaqiijinayo heshiisyo si shakhsi ah ula galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaarihii hore Kheyre. Waxaa intaas dheer oo khatar weyn ah damaca ay ku  doonayso dowladda Qatar inta aysan dhammaan muddo xileedka Farmaajo in loogu sharciyeeyo suuq geynta shidaalka Soomaaliya iyo maamulka dekedaha dalka oo dhan, iyadoo ay ka dhaadhacsantahay oo keliya inay maanta haysato madax ay ka iibsan karto Soomaaliya oo dhan iyo xildhibaannadii u ansixin lahaa.  Sidaas  daraadeedna waxay dowladda gacan ku siinaysaa in la meel mariyo doorasho qof iyo cod ah oo ay iyada (waa dowladda Qataree) dammaanad qaadayso  ammaanka deegaannada ay ka dhacayso iyagoo taas  ballan qaad uga haysta kooxda Al-Shabaab isla markaasna lacago ku siinaysa Al-Shabaab in dadka u sharaxan ama dhinaca madaxweyne Farmaajo ka tirsan ay ammaankooda sugaan.  Arrintan marka laga soo tago inay muddo kororsi tahay hadana waxay damaanad qaad buuxo siinaysaa in madaxweyne Farmaajo uu xilka ku noqdo isla markaasna waxay khatar ku tahay nin kasta oo u tartami lahaa xildhibaanimo oo aysan wadan Farmaajo iyo Qatar waana sababta qarsoon ee Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudeey ay ugu dheggenyihiin in nooca doorashadu ay noqoto Qof iyo Cod.

Waxaana jira warar aan si rasmi ah u soo bixin oo siyaasiyiinta qaarkood ay sheegayaan in ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu isu soo rashaxayo xilka madaxweynenimmada Soomaaliya hasa yeeshee middaasi xal uma noqonayso waxna kama bedelayso dareenkiisa ah inuu ku fashilmay xilkii uu hayay. Midda kale ee muhiimka ah waxay tahay ra’iisal wasaarihii hore siyaasad ahaan wali wuxuu xagga fikirka kala mid yahay kooxdii xilka ka erisay, waayo wuxuu kula soo shaqeeyay isagoo waliba rumaysan fikirkii horseeday dhibaatooyinka maanta hor yaal dadka Soomaaliyeed, wuxuuna qayb muhiim ah ka ahaa wax kasta oo hagardaamo ah oo ay kooxdaas geysatay, waxaa keliya oo xilka looga qaaday kooxda oo dareentay in erintiisa ay sabab u noqon karayso in la dhantaalo xoogga mucaaradka ka soo horjeeda iyo waliba in mucaaradka qaarkii ay dowladdu kasbato…Kheyre marka uu leeyahay waxaan u turayaa ummadda, Marka uu leeyahay ma doonayo inaan qayb ka noqdo burbur soo gaara ummadda Soomaaliyeed, waa goorteed?! Mase wuu hilmaansanyahay intii uu ra’iisal wasaaraha ahaa dalka heerka uu gaaray?!…Balse waxba wax kalaa ka daranee kuwa hadda ku harddamaya ama safka ugu jira inay ra’iisal wasaare ka noqdaan dowladdaas fashilantay maxaad ku macnayn lahayd?!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef:-  Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dad kale.