Dowladda Maraykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn diyaaradeed oo Ciidamada Maraykanku ay Shalay ka fuliyeen nawaaxiga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in Duqeyntaas ka dhacday Jilib lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Qoraalka waxa lagu xusay in hal xubin oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Duqeynta halka mid kalena lagu dhaawacay islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray cid rayid ah.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay in Duqeynta lagu dilay dagaallame ka tirsan Al-shabaab halka mid kalena lagu dhaawacay balse waxay xustay in ay qiimayn ku samayn doonaan haddii dad rayid ah wax ku noqdeen.
PUNTLAND POST