Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray shacabka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaan gaarka ah ay leeyihiin maalmaha barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada iyo midnimada dadka muslimiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadka danyarta ah, si dhammaan loo dareenno farxadda ciidda.

“Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo ku bogaadiyey ilaalinta amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda Carafo caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.


PUNTLAND POST