Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo soo xirmay

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo ku beegan Khamiis 30 July 30, 2020 si rasmiya u soo xirmay.

Kulankii Maanta oo Ajandihiisu ahaa Dib u-eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, waxaa Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dib u-eegista Xeerkaas oo uu soo gudbiyay Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada, ayaa loo qaybiyay Mudanayaasha Baarlamanka, si ay u soo akhriyaan, islamarkaana looga doodo Kalfadhiga soo socda ee 47-aad.

Xeerka Isgaarsiinta Puntlan,d oo ay Xildhibaannada Golaha Wakiiladu ansixiyeen 11 December 2007-dii, ayaa Guddiga joogta ah ee Golaha Wakiilladu, waxay 1January 2020 ogolaadeen in Dib u-eegis lagu sameeyo.

PUNTLAND POST