Dowladda Federaalka oo ansixisay Guddi ay ka maqan tahay Puntland

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalla Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo ay ka maqan tahay Puntland.

Golaha Wasiirada oo maanta markii uu horreysay shiray, tan iyo intii la riday Kheyre ayaa lagu ansixiyay 8 xubnood oo kamid ah 9-ka xubnood ee Guddiga Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Xubnaha Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa waxaa 3 xubnood soo magacaabay Federaalka, halka gobolka Banaadir, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay min 1 xubin soo magacaabeen.

Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ee kala dhigan ayaa kala ah.

1- Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye),
2- Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen),
3- Ibraahim Axmed Leyte (Xubin),
4- Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin),
5- Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin),
6- Axmed Xaaji Cabdi (Xubin),
7- Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin)
8- Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Puntland ayaa horey u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kale saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Puntland oo xustay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Sharcigaasi, ilaa inta ay wada-hadal isaga imaanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Puntland, ayaa sharciyo dhowr ah oo ay ansixiyeen hay’adaha Federaalka ka hortimid, welina xal lagama gaarin khilaafka labada dhinac.

PUNTLAND POST