Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xaruntooda Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa u dhexeeyey Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo haatanna hogaamiya Madasha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo ay wehliyaan Xildhobaano ka tirsan Golaha.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.
Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen in aysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.
Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.
PUNTLAND POST