
Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamuud Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa ka jawaabay eedaymo loo jeediyay Wasaaradda oo la xiriira in ay lacag dheeriya ku kordhisay Bixinta Shatiyada Ganacsiga.
Agaasimaha ayaa beeniyay in Wasaaradda Ganacsigu ay lacago ku kordhisay Bixinta Rukhsadaha Ganacsiga kadib markii ay arrintaas cabasho ka muujiyeen Ganacsatada danyarta ah ee Garoowe kuwaas oo saaka muddaharaad kooban ka sameeyay Magaalada balse awood ciidan loo adeegsaday islamarkaana qaarkood halkaasi ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Agaasimaha oo wax laga weydiiyay haddii Wasaaraddiisu adeegsatay ciidamadii saaka dhaawacyada gaarsiiyay Ganacsatada danyarta ah? Waxa uu beeniyay in Wasaaradda Ganacsigu ay arrintaasi ku lug-leedahay.
Dhinaca kale Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo warbaahinta Puntland Post xiriir la samaysay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdadii saaka lagu laayay Ganacsatada danyarta ah ee sida nabdoon u muujinayay Cabashadooda.
Halkaan ka daawo Wareysiga
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.