Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha deggan Gobolka Mudug.
Waxgaradka iyo Odeyaashan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii Nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan Amniga iyo horumarka Gobolka .
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, Nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.