Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo Muqdisho ku geeriyooday

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti).

Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho balse  xanuunkii hayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Marxuumka.

Geerida Xildhibaanka waxaa xaqiiqjiyay qaar kamid ah Eheladiisa waxaana geerida ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isagoo ilaahay uga baryay in uu ka waraabiyo Janna Fardowsa.

PUNTLAND POST