Ciidamo ka tirsan Puntland oo dad shacab ah ku laayay Garowe

Ciidamao ka tirsan Puntland ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, bartamaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ciidamada oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa rasaasta ku furay dad qaarkood ay ka cabanayeen canshuur, halka kuwa kalana ay ku sugnaayeen Barxadda Garowe, waxaana dhacdadaas ku dhaawacmay Saddex haween ah oo Labo kamid ah uu gaaray dhaawac culus.

Mid kamid ah haweenkaas oo xabadi kaga dhacday madaxa, xaaladeeduna cuslayd ayaa si deg deg ah diyaarad loogu qaaday magaalada Muqdsiho.

Sidoo kale labada kale ee haweenka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Garowe, waxaana midkood oo ah xaamilo, dhaawac culus ka gaaray lugta, iyadoo la sheegay in ay dhiig baxayso.

Puntland Post oo isku dayday in ay wax ka weydiido dhacdadan Booliska Puntland ayaysan ilaa hadda u suurta gelin.

PUNTLAND POST