Deni oo ka hadlay kulamo gaara oo la qaatay Farmaajo iyo Kheyre

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faahfaahfin ka bixiyay kulamo gaara oo Dhuusamareeb kula qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo markii hore laysku ogaa in aan saxaafadda lala wadaagin.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu labo shir oo gaara la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalak Soomaaliya, islamarkaana uu codsaday Farmaajo in Puntland kala shaqeyso doorasho qof iyo cod ah iyo muddo kororsi, hase ahaatee uu ka diiday dalabkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in madaxda shirkii Dhuusamareeb ka qeybgashay intooda badan ay qabeen in dalka ay ka dhacdo doorasho dabdan oo horumarsan.

Dhanka kale Madaxweynah Puntland ayaa sheegay in labo kulan oo saddex geesood ah uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Federaalka iyo Jubbaland.

Ugu dambeyna Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulan gaara oo uu la qaaday Xasan Cali Kheyre ay kaga wadahadleen Guddiga farsamada iyo qaabka ay u shaqeyn la haayeen.

PUNTLAND POST