Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday Abaabulka Mooshin xilka qaadis, oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Maxamed Nuur Gacal.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinkaas ,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen Qodoba dhawr ah, inkastoo uusan weli si rasmiya bannaanka ugu soo bixin Mooshinka.
Xildhibaannada, ayaa Guddoomiye Gacal ku eedaynaya in uu si qaldan u isticmaalay Awoodihiisa, islamarkaana xushmad la’aan u muujiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale waxay ku eedaynayaan in uu lacag ka badan Saddex boqol oo kun oo Dollar ($300, 000 Dollar) ku Kharash-gareeyay Xafiiskiisa gaarka ah, xilli Xildhibaannadu ay mushahar la’aan yihiin mudda saddex bilood ah.
Balse, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Mooshinkaas uu salka ku hayo Arrima siyaasadeed, ayna dabada ka riixayso Villa Somalia, si meesha looga saaro Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo xiriir dhow la-lahaa Ra’iisul wasaare khayre.
PUNTLAND POST