Maraykanka oo walaac xooggan ka muujiyay Xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Khayre

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay Tallaabadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Shacabka ay Kalsoonidii ugala noqdeen Ra’iisul wasaare Khayre iyo Golihiisi Xukuumadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Arrintaas ay ka dhalanayso amni-darro iyo khalkhal siyaasadeed islamarkaana ay carqaladaynayso  Wada-xaajoodkii bilowga aha ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

War-saxaafadeedka Safaaradda Maraykanka waxaa lagu sheegay in Habraacii qaldanaa ee Golaha Shacabku u maray xilka qaadista Ra’iisul wasaaraha uu dib u dhac ku keeni doono Taageerada Maraykanku siiyo Soomaaliya.

Safaaraddu waxay xustay in Dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka gacan-siinayso  sidii loo hirgelin lahaa Doorasho wakhtigeeda ku dhacda kuna timaadda wada-tashi iyo Wada-xaajood lala yeesho dhammaan Saamileyda Siyaasadda Dalka.

Sidoo kale Dowladda Maraykanku waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa qaswadayaash ah ee doonaya in ay wiiqaan horumarka Xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya maadaama sida Qoraalka loo dhigay aysan Maraykanku doonayn in Soomaaliya waddo qaldan raacdo.

PUNTLAND POST