Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo Caawa ka hadlay xilka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Shacabka ayaa sheegay in aan Go’aankaasi loo marin hannaan Sharciga waafaqsan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in Go’aanka Kalsoonida looga qaaday uusan waafaqsanayn Sharciga uu iskiis isu casilay isagoo ilaalinaya Midnimada iyo Xasiloonida Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu iska difaacay eedaymaha Baarlamanku u jeediyay ee la xiriira in Xukuumaddiisu ay ku fashilantay Hoggaaaminta Dalka gaar ahaanna qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo wakhtigeeda ku qabsoonta.
Mudane Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in Go’aanka xilka looga qaaday uu ahaa mid sharci-darro ah oo salka ku haya mudda-kororsi islamarkaana horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.
Halkaan ka daawo Hadalkiisa
PUNTLAND POST