Heshiis dal Shisheeye iyo Puntland wadagaleen oo Baarlamaanku laalay

Golaha Wakiillada Puntland ayaa laalay heshiis is-afagard ah oo ay 2011 wadagaleen Puntland dowladda Seychelles

Fadhi ay maanta yeesheen Baarlamaanka Puntland oo shir-guddoomiyey Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa yaa Goluhu dood dheer ka yeeshay xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, kadib markii ay shalay warbixino ka dhageysteen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland Iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay in la laalo heshiiskii is-afgaradka ee dhexmaray Seychelles iyo  Puntland, kaas oo la galay bishii 15 Maarso, 2011.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa Guddi farsamo u saaray ka shaqeynta sii-deynta Maxaabiista Burcad-badeedka ugu xiran xabsiyadda Puntland.

PUNTLAND POST