Daldalaada Kheyre iyo damaca Farmaajo – FAALLO

Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa muddo saddex sano iyo bar ah ayaa shalay si dhib yar xilka looga tuuray, ma ahan wax cusub marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxda sare ee dalka soo maray labaatankii sano ee u dambeeyey.

Tan iyo 2000, Soomaaliya waxay yeelatay 13 Ra’iisul Wasaare, madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaarka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu yeeshay saddex Ra’iisul Wasaare oo kala ahaa Cali Khaliif Galeydh, Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, madaxweynihii ku xigay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay muddadii uu madaxweynaha ahaa saddex Ra’iisul Wasaare oo u horeeyey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, si lamid madaxweynihii ku xigay Xasan Sheekh ayaa isaguna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare oo u horreeyay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo markii labaad Ra’iisul Wasaare ka noqday Soomaaliya.

Madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabi doona Ra’iisul Wasaarihiisii labaad, kadib markii ay kala huleeleen Xasan Cali Kheyre oo ay ku faani jireen in aysan is khilaafi doonin, balse dad badan aaaminsanaayeen arrin soo daahday oo mar uun iman doontay.

Muxuu eersaday Kheyre?

Inkastoo muddo la maqalyay guux ah inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, hadana ma ahayn khilaaf si toos ah u shaacbaxay ee arrintu waxay bannaanka timid markii ay soo dhawaatay doorashada dalka ee 2020/2021.

Xasan Cali Kheyre waxa uu muddo wadey dhoolatus siyaasdeed, hase yeeshee hadalkii ugu weynaa ee uu eersaday wuxuu ahaa markii shir ay muuqaal ahaan ku yeesheen Golaha Wasiiradaka ka sheegay in muddo kororsi ay horseedi karto qalalaase siyaaasadeed, sidaas darteed ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa islamarkiiba ku xujeeyay Kheyre inay noqoto doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, waxayna ahaayeen hadalo kala fog oo banaanka keenay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Yaa kawada shaqeeyay shirkoolka Kheyre?

Sida ay ogaatay Puntland Post, Xasan Cali Kheye waxaa lagu riday shirqool siyaasadeed oo ay kawada shaqeeyeen dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Madaxdaweyne Farmaajo, Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo boobsiiyay si fudud oo lama filaana.

Shirkii Dhuusamareeb ayuu ahaa kii loogu dhammeeyey Xasan Cali Kheyre, markii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ku heshiiyeen arrimo aan la soo bandhigin, oo Madaxweyne Farmaajo soo xiritaankii shirka si cad u sheegay in waxyaabo badan oo aan la sheegi karin uu horgeyn doono Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa is-afgarad wali shuruudo ku xiran yihiin la gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana la isla gartay in si hoose loo xaliyo tabashada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inta ka horreysa wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb.

Fuley Xantiisa ma Mooga

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilihii u dambeeyey u kala qaybsanaayeen labo garab oo ay kala hoggaaaminayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Guddoomiyaha Aqalka Hoose Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa kowaad iyo Ra’iisul Wasaare xigeenka Mahdi Guuleed waxay la safanaayeen Madaxweyne Farmaajo, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqal Hoose Mahad Cawad ay la xulufo ahaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Bartamihii bishii Jun, Kheyre wuxuu casumaad qarsoodi ah ka helay dalka Qadar oo la safan Farmaajo, sida aan xog ku helnay Qadar waxay Kheyre kala hadashay inuu ka tago xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu Dooxa uga yimid aqbalaad iyo ballanqaad.

Marka dib loo milicsado Ra’iisul wasaarayaashii hore ee baarlamaanku riday, way dagaalami jireen oo is difaaci jireen, rididoodana waxaa loo marijiray rafaad, ee maxay tahay sababta Kheyre sida fudud looga takhalusay ee haddana u bixiyay aqbalaada uu marmarsiinyaha uga dhigay is casilaad?.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Fuley Xantiisa ma Mooga” waxaan murtidan u soo qaadaney in Xasan Cali Kheyre uusan moogeyn xanta ah inuu xilka Ra’iisul Waasarenimo waayi doono, sidaasna uu ugu daneeyay mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Damaca Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo waxaa u harsan muddo Lix bilood ah, waxaa xilhayntiisu ku egtahay 7 Feebaraayo 2021, sida muuqata Madaxweynuhu hadda diyaar uma aha inuu dalka ka qabto doorasho ku dhacda xiligeeda.

Farmaajo shalay wuxuu dhaliyay goolkii u horreeyay oo u horseedi kara in muddo kordhin loo sameeyo, maadaama ay meesha ka baxday Xukumaddii diidanayd kororsiimaha, ayna wakhti qaadanayso magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub oo soo magacaaba Xukuumad, kadibna doorasho qabata.

Shirka Dhuusamareeb 3, waxaa sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ku heli karaa muddo kordhin dhan ugu yaraan sanad iyo siddeed bilood, waa haddii mucaardka ay qeyb ka noqdaan shirka iyo Xukuumadda cusub.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee keeni doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa looga dambeyn doonaa soo xulitaankiisa dowladda Qadar iyo Fahad Yaasiin oo dagaal weyn la galay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Dadka siyaasadda fallaanqeeya waxay leeyihiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka iman doonaa degaanada Galmudug, raga la hadal hayo waxaa kamid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Hadalka Mareykanka

Siyaasada Soomaaliya inta badan waxaa saameyn ku yeesha dano shisheeye iyo hardan ka dhexeeeya dowlado iyo quwado is-haya, Dowladda Mareykanka oo noqotay shisheeyihii ugu horreeyay oo ka hadla xilka qaadista Xasan Cali Kheyre ayaa ka hortimid qorshahaas.

Dowladda Maraykanku waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto wax ay ku tilmaantay “Qaswadayaal” doonaya in ay wiiqaan horumarka, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dada badan ayaa isweydiinaya waa tuma cidda uu Mareynkanku ku sheegay Qaswadayaasha?, Mareykanka waxaa u muuqda in Turkiga iyo Qadar labaduba qorshe xoog badan kawadaan Soomaaliya, ayna ku lugleeyihiin xilka qaadista Kheyre.

Xilka qaadista Kheyre ayaa muujisay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed oo soo noqnoqda.

Liibaan Yuusuf

PUNTLAND POST