Xisbiyo siyaasadeed oo ka horyimid xilka qaadista Kheyre

Qaar kamid ah xisbiga siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadkay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga Wadajir ee hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame yaa lagu sheegay in sifo sharci ah loo maray xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana uu xisbiga Wadjir si xooggan u diidan tallaabadaas.

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xilka qaasista Kheyre aysan ku jirin ajandaha Golaha ee maanta, mooshin eedeyn ah iyo saxiix 50 xildhibaana aan Golaha laga akhrin, sidoo kale aan laga doodin mooshinka.

Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku legleeyahay xilka qaadista Kheyre, si muddo kordhin loogu sameeyo.

Dhanka kale xisbiyada ku bahoobay (Madasha Xisbiyada Qaranka) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga horyimid go’aanka Baarlamaanka ee xilka qaadista Kheyre.

Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada Xukuumadda ay u arkaan carqaladayn iyo burburin go’aannadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, taas oo ay tilmaameen in loogu gogol xaarayo muddo kororsi aan sharci ahayn.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada xisbiyada

PUNTLAND POST