Ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa Cabdirisaaq Xuseen Aaden si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dikreetada ayaa sidoo kale shaqada looga joojiyay Xoghayihii hore ee Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha inkastoo aan magaciisa lagu xusin warqadda.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.